U bood dhigaalka

Masraxiyad Faneed Ka Jira Xeebta Liido Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ka jira Masrixiyad Faneed oo dhalinyaro Soomaali ah ay jilayaan Aflaan ku saabsan Nabadda Soomaaliya iyo wacyigelinta dhalinyaradda .

Waxaa u daawasha taga dhallinyaro badan oo isugu jira rag iyo dumar ,waxaana jilayaal ka ah aflaantaasi Labo dhallinyaro ah kuwaas oo aan wax lacag ah ku qaadan madadaalintaasi ay sameynayaan .

Waxay kala hadlaan  inay ka qaybqaatan dib u dhiska iyo nabadda dalka iyo in dhalinyaraddu ay ka joogaan tahriibka .

Cismaan Salaad Daahir oo loo yaqaan atooraha badda iyo Aadan shucayb Leeleefow Labaduba waa dhallinyaro u istaagtay inay ka wacyigeliyaan tahriibka iyo ka qaybgalka nabadda .

Dadka daawada masraxiyadda ay jilaan Labadani qof ayaa kor u dhaafaya Boqolaal, waxaana maalmaha nasiinnadda ee Jimcaha iyo Khamiista ay yihiin kuwo aad u madadaaliya dadka .

Waxay sameeyaan sheekooyin la xiriira dhacdoyinka kala duwan ee dalka ka jira , waxaana ay u soo bandhigaan qaab la jeclaysto .

Atooraha badda ayaa ah nin dhallinyaro ah oo moohibad u leh sameynta ficillada qurxoon, marka uu xeebta soo istaagana waa nin taagero ku leh oo markiiba u dhaqaaqa inuu soo bandhigo wax cusub.

Ma jirto taagero dhaqaale oo ay helaan Labadani dhallinyaro hase yeeshee leeleefow iyo atooraha badda dhalinyaradan la baxday oo aan wax ka waydiinay  hiigsiga ay leeyihiin ayaa waxa ay sheegeen sidan.

“ Anaggu waxaan nahay dhalinyaro , howshan uma qabanno in aan lacag iyo wax la mid ah ka helno hase yeeshee waxa aan hiigsanayno ayaa waxa ay tahay inaan kamid noqonno Aktarada caalamka inagoo wadana magac Soomaaliyeed, xaqiiqdii howshaan waa mid ay ku xiran yihiin dhallinyaro badan markii aynu billaabaynaya dadku waa ay nala yaabi jireen hase ahaate waxaa niyad wanaagsan aan kala kullanay dhalinyarada qaar oo noogu hambalyeeyay dadaalka iyo howsha aan hayno”.

Dadka u daawasha taga oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay inay ku qancaan wacyigelinadda ay wadaan iyo sida ay bandhigga u samaynayaan .

Qof kamid ah dadkaasi ayaa sidan u sheegay Goobjoog “ Waan jeclaystaa In aan filimada dhallinyaradani jilayaan in aan daawado bedelka kuwa ajaanibta ah , waayo waa Soomaali xiiso ayay leeyihiin waa qorax joog waxbadan ayayna ka ogyihin waxa dhalinyaradda u baahan yihiin “

Si kasta oo ay ahaato , Somaalidu waxa ay tiraahdaa dadaala waa uu gaara , hal ku dhigga Labadani dhallinyaro ayaana ah inay noqdaan atoore iyo Laadir caan ka kala ah shirkadaha sameeya filimadda addunka ee Hollywood iyo Bollywood-ka.

W/Q:- Munasar Maxamed Cabdi

Goobjoog News