U bood dhigaalka

MasterCard ” Waxaan wada hadal kula jirnaa Bank-iyada Kale ee Dalka Soomaaliya si aan Howsheena u Ballaarino”

Sheeko:Dalka

MasterCard ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis la gashay Premier Bank si uu u bixiyo MasterCard, oo  lacag lagula bixi karo waxna looga iibsan karo dalka gudihiisa, dibaddiisa iyo weliba Online.

Arintan waxaa Shirka Dhaqaalaha Adduunka oo ka socdaa Cape Town, ka sheegay Madaxa MasterCard ku qaabilsan Wadamada Saxaraha ka hooseeyay Daniel Monehin oo hadla Telefanka ku halayey.

Madaxa Afrika ee MasterCard, Daniel Monehin, ayaa intaa raaciyay in Premier Bank uu yahay Banki si xirfadeysan loo maamulo oo buuxiyay dhammaan shuruudaha lagu horistaago u raadgadidda lacagta iyo kuwa macaamilaqoonta. 5000 oo MasterCard ayaa lagu wadaa in uu sannadkan bixiyo Premier Bank.

MasterCard waxaa ay sheegtay in Afar Bank oo waaweyn ay dalka ka jiraan, Bankiyadaas waxaa lagu bixiyaa Mushaaraadka dowladda, Waxaa kaloo qeyb ka ah Xawaaladaha oo sanadkii soo xareeyay  $1 billion.

Daniel Monehin oo ah Madaxa Afrika ee Hay’addan MasterCard ee  Saldhigeedu yahay New York, waxaa uu  xaqiijiyay in ay wada hadal kula jirto Bankiyada kale ee dalka Soomaaliya si howshooda u ballaariyaan.

Bloomberg