U bood dhigaalka

Mas’uliyiin Dhex-dhexaadin Raba Deni iyo Diyaano Oo Ku Wajahan Garowe

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee dowlad gobaleedka Puntland Cabdi-wali Cali Gaas, Ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda federaalka Cumar Cabdirashiid, Senator Faroole iyo mas’uuliyiin kale oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda federaalka iyo maamulka Puntland ayaa goordhaw ka soo baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyagoo ku soo wajahan magaalada Garowe.

Socdaalka mas’uuliyiintaan ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu xalay ugu baaqay in ay maamulkiisa kala qeyb qaataan nabadda magaalada Boosaaso.

Siyaasiyiintaan ayaa horay ugu baaqay in miiska wada hadalka dib loogu soo noqdo kadib dagaallo seddax maalin ka socday magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland.