U bood dhigaalka

Mas’uul Ka Tirsan Jubbaland Oo Xaqiijiyey In Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka Duqeeyeen Degmada Jilib

Sheeko:Dalka

Mas’uul ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay jiritaanka diyaarado maraykan ah iyo ciidamo Soomaali ah oo beegsaday degmada Jilib ee Jubbada Dhexe.

Guddoomiyaha deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose Maxamed Muxumed Ismaaciil ayaa sheegay in ay soconayaan qorsheyaal ballaaran oo lagu doonayo in lagu qabto deegaannada ka maqan gacanta Jubbaland iyo AMISOM.

Wuxuu xaqiijiyay guddoomiyaha jiritaanka wararka sheegaya in diyaarado dagaal oo Maraykanka leeyahay iyo askar ka tirsan dowladda federaalka ay weerar ka geysteen degmada Jilib oo ay maamusho Xarakada Alshabaab.

Guddoomiye Maxamed ayaa dafiray in weerarro ay Al-shabaab kala kulmeen ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee ku sugan Kulbiyow, Dhoobleey iyo meelo kale.

“Waxaa socda howlgallo ballaaran oo nimanka cadowga ah looga saarayo deegaannada Jubbaland, wey jiraan weeraro ka dhacay degmada Jilib, waxaana socda qorsheyaal kale” ayuu yiri Guddomiyaha.

Todobaadkii aynu kasoo gudubnay ayaa diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Maraykanka waxay duqeeyeen saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Goobjoog News