U bood dhigaalka

Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Cusub Ee Degmada Caabudwaaq Oo Is Casilay

Sheeko:Dalka

Gudoomiye ku xigeenkii dhanka arrimaha bulshada ee maamulka cusub degmada Caabudwaaq Cali Maxamed Nuurre ayaa sheegay in xilkaasi uu ka tagay sababo badan oo uu sheegay awgeed.

Mas’uulkaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xilkaasi uu ka tagay ka dib markii uu arkay in aanu shaqeyn doonin maamulka degmadaasi loo dhisay.

Naftiisa ayuu sheegay in uu u baqay kadib markii uu tilmaamay in degmada Caabudwaaq oo dhan ay gaaf wareegayaan maleshiyo hubeysan, islamarkaana aanu jirin maamul shaqeynaya.

“Aniga markaygii hore raali maba ka ahayn maamulkaan cusub, waxaa la ii sheegay in xilkaan la ii magacaabay, amni kama jiro degmada, xarumahii dowladda waxaa haysta maleeshiyo beeleed, marka nin naftiisa neceb ma jiro, yaa loo taliyaa meeshaan inaan laga fiirsan bay u muuqataa markii maamulkaan loo magacaabayay” ayuu yiri Cali Maxamed

Dhinaca kale mas’uulkaan ayaa sheegay in degmada Caabudwaaq ay u baahan tahay in il gaar ah lagu eego, islamarkaana waxa ugu horeeya ee la qabanayo ay tahay beelaha dirirsan ee degmada ku sugan oo nabad la kala dhex dhigo.

Maamulka Galmudug ayaa 4-tii bishaan u magacaabay maamul dhameystiran degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud, waana mas’uulkii ugu horeeyay ee maamulka degmadaasi iska casilay.

Goobjoog News