U bood dhigaalka

Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Lagu Dilay Beledweyne

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladwayne ee maagalada madaxda gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay koxa hubeysan gudaha magaalada dil ugu geysteen mas’uul ka tirsan maamulka gobalka Hiiraan .

Mas’uulka la dilay ayaa ahaa guddoomiyaha dhalinyarada gobalka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Faarax-Diir Cabdi Garruun.

Garruun ayaa xilligii la dilayay ku sugnaa goob maqaaxi ah oo lagu caweyo, iyadoo kooxihii dilka guddoomiyaha ka dambeyay ay isaga baxsadeen goobta dilka kadib .

Dilka guddoomiyaha kadib ayaa waxaa goobta soo garay ciidamada ka tirsan kuwa ammaanka magaalada Baladwayne, iyagoo baaritaano kooban ka sameyay goobta dilka kadib .

Illa iyo hadda maamulka magaalada Baladwayne iyo kan gobalka Hiiraan kama aysan hadlin dilka Allaah u naxariiste guddoomiyaha gobalka Hiiraan .

Goobjoog News