U bood dhigaalka

Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Oo La Dilay

Sheeko:Amniga

Allaha u naxariistee waxaa saakay degmada Afgooye lagu dilay kormeerihii guud ee wasaaradda waxbarashada gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

Cali Shaanlow Cali, ayaa lagu soo waramayaa in kooxo hubeysan ay ku dileen xaafadda Xaawo-taako ee Degmada Afgooye.

Ilaa iyo hadda ma cadda cidda ka dambeysay dilka Kormeerihii waxbarasahada ee wasaaradda tacliinta koonfur galbeed.

Wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed ayaa tacsi u dirtay qoyskii uu ka geeriyooday marxuum Cali Shanlow iyo dhammaan bahda waxbarashada, iyadoo ugu baaqday hay’adaha ay khuseyso in ay baaritaanno ku sameeyaan cidda dilka ka dambeysay.

Dilka kormeeraha waxbarashada ayaa ku soo aaday wax yar ka hor inta aan  dalka oo dhan uusan ka bilaabmin imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiga sare ee dowladda.

Goobjoog News