U bood dhigaalka

Mas’uul Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar ka soo baxay qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu ku geeriyoodey xog hoghayihii hore ee gobolka Banaadir Amiin Sheekh Cilimi.

Qaraxa oo duhurkii ka dib  ka dhacay bar kontorool oo ku taalo KM4 ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay darawalkiisa.

Marxuum Amiiin ayaa waxaa uu ahaa seyga Senator Samsam Daahir oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka.

Goobjoog News