U bood dhigaalka

Mas’uul Lagu Dhaawacay Baardheere iyo Howlgal Dad Lagu Soo Qabtay

Sheeko:Amniga

Ciidamada ammaanka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay degmada ka  sameeyeen howlgallo, kadib dhaawac halkaasi mas’uul loogu geystay.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii habeenimadii xalay kooxo hubaysan ay bartamaha magaalada ku dhawaaceen Hantidhowrihii degmada Cabdi Rashiid Cabdiqaadir Warsame, kooxdii falka geysatay ayaana goobta isaga baxsatay.

Ciidamada ayaana howlgalka ka sameeyey xaafadaha magaalada Baardheere, iyaga oo qabtay dad u badan dhalinyaro, waxaana ku socda baaritaanno dadkaan lasoo qabtay intii uu socday howlgalkaan.

Degmada Baardheere ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amniga liddi ku ah sida weeraarro iyo dilal qorsheysan, waxaana inta badan mas’uuliyadooda sheegta Al-shabab oo deegaanno dhowr ah uga sugan gobolka Gedo.

Goobjoog News