U bood dhigaalka

Mas’uuliyadaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Oo Sii Kordheysa, Amniga Iyo Musuqa Ayaa Ugu Muhiimsan

Sheeko:Dalka

Waxaa 24-kii bishan la dhisey guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya, guddiga waxaa uu ka kooban yahay 17 xubnood,  11 xubin oo aqalka hoose ah iyo 6 xubin oo aqalka sare ah, guddiga isku dhafka, waa kooxda mas’uulka ka ah iney doorasho madaxweyne dalka ka dhacdo February 8, 2017-ka.

Guddigan waxaa ay guddoomiye u doorteen C/raxmaan Ducaale Bayle oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka, halka ku xigeen ay u doorteen C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan xildhibaannada aqalka sare.

Sidoo kale guddigan ayaa sameystay Labo guddi hoosaad oo kala ah, guddiga maaliyadda, Lojistikada iyo Amniga oo madax looga dhigey Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi iyo guddiga diiwaangelinta musharraxiinta madaxweynaha oo guddoomiye looga dhigey xildhibaan Cismaan Xaaji Cali.

Hadaba, inkasta oo guddiga sheegayaan in doorashada ay waqtigeeda ku dhici doonto, arrintaasi ma aha walaaca keliya ee jira, oo maalintii lagu dhawaaqey ilaa iyo hadda waxaa isa soo taraya mas’uuliyado cusub oo guddiga doorashada iyo labadiisa guddi hoosaad laga doonayo sida: in doodda murashaxiinta loo qabanayo 31-ka bishan ay noqoto mid dhexdhexaad ah, in dhamaan murashaxiinta waqtiga, tirada dadka taageerayaasha ah ee hoolka jooga iyo wax walbo ay u sinnaadaan iyo Doodda laga soo daayo dhammaan Telefeshinada.

Ammaanka murashaxiinta madaxweynaha waa qeylo-dhaan jirta, murashaxiin badan oo la hadley Goobjoog News waxaa ay walaac ka qabaan amniga doorashada, in gawaarida ciidanka aan lacag laaluush ah lagu soo qaadin, in murashaxiinta wax walbo loo simmo iyo xitaa isu socodka bulshada ee maalinta doorashada.

Xildhibaannada labada aqal ayaa sidoo kale sheegaya iney u baahan yihiin la shaqeynta kooxaha u xil-saaran amniga, iyo dadka ku howlan Lojistikada doorashada iney muujiyaan taxadar dheeraad ah.

Arrinta ugu muhiimsan oo guddiga doorashada madaxweynaha iyo guddi hoosaadyadiisa looga fadhiyo waa sidii ay doorashada looga ilaalin lahaa laaluush-ka iyo musuqa, waayo Soomaaliya waa dalka ugu musuqa badan dunida, doorashadana waa halka ugu badan oo ay ka dhacaan musuqa iyo kala iibsiga codadka.

Qodobadaas iyo qaar kale, waxaa guddiga u wehliya mas’uuliyaddii markii hore loo doortey, oo laga doonayo iney qabtaan guddiga isku dhafka doorashada madaxweynaha oo ka kooban labo guddi.

Guddiga hoosaadka nidaaminta iyo diwaangelinta murashaxiinta  waxaa madax ka ah Xildhhibaan Cismaan Xaaji Cali waxaa uu mas’uul ka yahay:

Nidaaminta murashaxiinta, ilaalinta ku dhaqanka xeer hoosaadka, diiwaangelinta iyo hubinta waraaqaha murashaxiinta, hubinta soo jeedinta magacaabista iyo taageerayaasha murashaxiinta, Maareyta iyo Ha Maamuuska, iskugu yeerid munaasabadaha iyo Dhageysiga iyo xallinta cabashooyinka.

Dhanka kale, Guddi hoosaadka howl-gelinta guud iyo Maaliyadda waxaa madax ka ah Jawaahir Axmed Cilmi shaqadiisu waa:

Sugidda amniga, Loogistikada, Diiwaangelinta martida, faraqaadka-(Bio-Metrics), iibsiga alaabta iyo maamulidda maaliyadda iyo dhaqaalaha xisaabta bangiga.

Si waafaqsan qodobka 111G(b) ee dastuurka, guddiga isku dhafka ee doorashada madaxweynaha waxaa si goobjoognimo ah ula shaqeynaya guddiga madaxa banana ee doorashooyinka qaranka si ay u hubiyaan habsami u socodka habraaca doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah.

Guddigan isku dhafka ah iyo guddi hoodaasyadiisa waxaa ay dejinayaan xeer-nidaamiye ay xilgudashadiisa iyo howlahooda ku fuliyaan.

Guntanka guddiga waxaa uu ku ansaxayaa kalabarka tirada guud ee xubnaha guddiga oo haldheeri ah.

Guddi-hoosaadyada waxaa ay warbixintooda iyo talooyinkoo siinayaan fadhiga guud ee guddiga.

Xilheynta guddiga isku dhafka ee doorashada madaxweynaha waxaa ay ku egtahay markii ay dhamaato doorashada madaxweynaha JFS.

Goobjoog News