U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Dowladda Federaalka Ah oo Soo Dhoweeyey Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland

Sheeko:Amniga

Waxaa muuqato in laamaha dowladda federaalka ah, gaar ahaan fulinta iyo sharci-dejinta  ay ku kala qeybsan yihiin doorashada guddoonka baarlamaanka 2aad ee Jubbaland.

Tan iyo markii shalay la doortay guddoonka cusub ee baarlamaanka 2aad ee Jubbaland, waxaa isa soo tarayey hambalyo ay dirayaan mas’uuliyiinka ka tirsan dowladda federaalka ah iyo qaar kale oo natiijada diidan.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa  noqday mas’uulka ugu sareeya ee dowladda federaalka ah ka tirsan ee bogaadiyey doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka 2aad ee Jubbaland.

Guddoomiye Abshir Axmed ayaa bartiisa Twiterka waxaa uu soo dhigay.

Isla Senate-ka waxaa kaloo isna hambalyeey Ilyaas Cali Xasan, isaga oo bartiisa Faceboogga ku soo qoray:

 

Xildhibaan Axmed Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa ka mid ahaa dadka fadhiyey hoolka ay ka dhaceysay doorashada baarlamaanka 2aad ee Jubbaland, isaga oo qoray

Isla Kismaayo, xarunta KMG ah ee Jubbaland, waxaa ku sugan xildhibaanno badan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah kuwaas oo sheegay iney halkaasi u tageen difaaca sharciyadda federaalka ah.

Xalay, wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ah ayaa sheegtay habraacyada loo maray xulista Odayaasha dhaqanka iyo soo xulista golaha wakiilada Jubbaland ay yihiin kuwo aan loo marin dariiq sharci ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in doorasho kasta oo ku dhacda oo sifo baalmarsan dastuurka Federaalka ay yihiin Waxba kama jiraan.

Goobjoog News