U bood dhigaalka

Masuuliyiin iyo Saraakiil katirsan Hey’addaha Tiika, Bisha cas turkiga iyo IHH oo oo la kulmay Agaasimaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Masuuliyiin iyo Saraakiil katirsan Hey’addaha Tiika,Bisha cas turkiga iyo IHH oo laga leeyahay dalka turkiga ahna kuwa ugu waa weyn ee u qaabilsan dalkaaas ka jawaabida arimaha bin’adanimada iyo gargaarka deg dega ah iyo mashariicyada hormarinta ayaa maanta soo booqday xarunta cusub ee Hey,adda maareynta masiibooyinka qaranka ee sodma oo si caari ah loo dhisay taas oo dhawaan dhismaheeda laga hirgaliyey qeyb kamid ah isbitaalka laansaleyti.

Masuliyiintaan waxaa xaruntaan ku soodhaweeyey guddoomiyaha Hey,adda maareynta masiiboyinka qaranka Mudane Maxamuud macalin abdulle waxaana soodhaweyn kadib ay si wadajir ah u kormeereen dhamaan qeybaha ay ka koobantahay xaruntaan cusub.

Masuuliyiintaan ayaa balan qaaday in Hey,adda maareynta masiiboyinka ka saacidi donaan xaruntaan qalabeentooda,iyaga oo sidoo kale sheegay Hey,adda ka taageri donaan tababarada shaqaalaha waaxda gurmadka deg deg ah.

Guddoomiyaha Hey’adda maareynta masiiboyinka qaranka mudane maxamuud macalin abdulle ayaa uga mahadceliyey booqashadaan iyo balanqaadka ay saraaksihaan turkiga ka socday u sameeyeen hey,adda maareynta Masiiboyonka.

Mid kamid ah masuuliyiinta Hey’adda tiika ayaa sheegay sidan.