U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Iyo Shacab Lacago Ugu Yaboohay Dadka Abaartu Ku Hayso Gobollada Dalka

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin iyo shacab farabadan ayaa maanta lacago ugu yaboohay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibban qaar ka mid ah gobollada dalka oo abaar xoogani ka jirto.

Idaacadda Goobjoog  waxaa maanta si toos ah uga baxay barnaamij lacago loogu uruurinayo dadkaasi, waxaana si toos ah dadka ula hadlayey guddiga gurmadka abaaraha dalka oo ugu horreeyo guddoomiyahooda Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Marwada 1-aad ee dalka Qamar Cali Cumar oo lasoo xiriirtay barnaamijka taburraacada ahaa ayaa ku deeqday lacag dhan 20 kun oo doolarka Maraykanka walibana si kaash ah loogu keenay guddiga gurmadka oo ku sugnaa Idaacadda Goobjoog.

Waxay si kooban Marwo Qamar ay ku bogaadisay shacabka Soomaaliyeed ee wax haystay in aysan ka gaabin u gurmashada walaalahooda abaarta ku hayso gobollada dalka.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa isna ka mid ah mas’uuliyiinta maanta yabooha sameeyay si loogu gurmado dadka ay abaartu ku hayso gobollada dalka waxaana uu ku yaboohay lacag dhan 5 kun oo doolarka Maraykanka ah.

Wasiirka ayaa isna dhankiisa sheegay in waajib ay tahay in loo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee maanta gaajada iyo harraadka u geeriyoonaya.

“Soomaalida daruufaha ay hadda ku sugan yihiin marwalbo wey soo mari jireen waxaa looga gudbi karin iskaashiga shacabka Soomaaliyeed, anigu waxaan madax ka ahay guddiga ay dowladda u xilsaartay dhanka gurmadka ah inaan la shaqeynno guddigaan bulshada rayidka ah aad ayaan ugu faraxsannahay, aniga ayaaba soo arkay meelaha qaar ee abaartu ka jirto, waxaan u dardaarmeynaa  shacabka Soomaaliyeed in wixii ay awoodaan ay bixiyaan” ayuu yiri wasiir Odowaa

Idaacadda waxbarashada ee Maandeeq ayaa iyaduna ku yaboohday lacag dhan 500 oo doolar, taasi oo qeyb ka ah gurmadka abaaraha.

Jaamacadda Jobkey maamulkeeda ayaa iyaguna ku yaboohay lacag dhan 1000 doolar si wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Waxaa jiray shirkado iyo sidoo kale shacab badan oo Soomaaliyeed oo iyaguna ku yaboohayey lacago aan loo eegin badnaan iyo yaraan intaba.

Guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa aad ugu mahadceliyay cid walbo oo lacag yaboohday, isaga oo sheegay in maanta loo baahan yahay lacag lagu badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu ku hayso gobollada Soomaaliya.

Gobollada Waqooyi, Koonfur iyo bartamaha waxaa ka jirta abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, iyadoo gobollada qaar laga la yahay biyo iyo raashiin, waxaana jirta dad u dhintay abaartaasi.

Goobjoog News