U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Federaalka Iyo Aqoonyahano Taageeray Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BaarlamaankaMas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Siyaasiin iyo Aqoonyahano ayaa taageeray Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed kaa oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, islamarkaana doortay gudoomiye iyo ku xigeeno.

Sii hayaha xilka wasiirka Arimaha Dibadda xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo qoraal soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa u hambalyeeyay dhalinyarada Soomaaliyeed oo samestay baarlamaan ay ku mideysan yihiin.

Wasiirka ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed Yoonis Cabdiraxmaan Maxamed oo ay doorteen xildhibaanada Baarlamaankaasi.

Dhanka kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa isna barta Facebook ugu hambalyeeyay Curashada Baarlamaanka dhaliyarada iyo sidoo kale gudoomiyaha ay doorteen isaga oo ku dhiira geliyay in ay dadaalaan oo halkaan kasii wadaan hiigsiga dhalinyarada.

Professor Cabdiraxmaan Ibbi oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isna ka mid ah mas’uuliyiinta taageeray Baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in ay tahay hiigsi wanaagsan.

“Waa wax lasoo dhaweyn karo, aad ayaan ugu mahadcelinayaa dhalinyarada Baarlamaanka sameystay ee Soomaaliyeed, waxaan kaloo leeyahay wasaaradda dhalinyarada garab xoogan hasiiso dhalinyaradaan, aduunyada oo dhan ayeey tani ka jirtaa, in dhalinyarada ay sameystaan Baarlamaan” Ayuu yiri Professor Cabdiraxmaan Ibbi

Maryan Sheekh oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed, ayaa iyana ka mid ah xubnaha sida furan usoo dhaweeyay Baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka kooban 275 xubnood.

“Waa arin aad iyo aad u wanaagsan, aad ayaan ugu faraxsanahay, goobjoog ayaan ka ahaa markii doorashada Baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed ay dhacaysay, Gudoomiyahooda cusub waxaan ku dhiira gelinayaa in uu kaalin ka qaato isku keenka dhalinyarada Soomaaliyeed, oo sidii laguu doortay aad u hogaamiso dhalinyarada Soomaaliyeed” Maryan Sheekh ayaa sidaasi tiri.

Dhawaan magaalada Muqdisho waxaa lagu doortay gudoomiyaha Baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo ay doorteen 275 xubnood oo ka mid ah xubnaha Baarlamaankaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso Hadalka Professor Cabdiraxmaan Ibbi

 Halkaan Hoose ka dhageyso hadalka aqoonyahanad Maryan Sheekh

 

Goobjoog News