U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda iyo Saraakiil Ciidan oo Kulamo Kawada Maxaas

Sheeko:Amniga

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo saraakiil ciidan ayaa kulamo kawada degmada Maxaas ee gobolka Hirran, kadib markii halkaasi ay gaareen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka , Nabadsugida iyo Booliiska qaybaha ka howlgala deeganada Galmudug iyo Hirshabelle.

Sidoo kale waxaa gobolka gaaray  Saraakiil sare oo ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka sida, kuwaas oo goobjoog ka ahaa dadaal lagu xalinayey  dagaal beel, ka dhacay deegaannada hoos yimaado Maxaas.

Taliyaasha  qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee milatariga Soomaaliya  iyo  taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad sareeye guuto : Mascuud Maxamed Warsame ayaa ka mid ah saraakiisha ka qeyb galaysa kulanka, kaas oo looga golleeyahay sidii loo ilaalin lahaa heshiiskii laga gaaray colaaddii ka jirtay deegaanno hoos yimaado Maxaas.

Goobjoog News