U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Oo Ka Qeybgalay Dibadbax Ka Dhacay Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo inqilaabkii fashilmay ee xubno ka mid ah Milatariga Turkiga ku doonayeen inay ku qabsadaan dalkaasi.

Dibadbaxan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey maamulka gobolka Banaadir waxaana ka qeybgalay xubno ka mid ah wasiirada dowladda Federaalka, Culimo, guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho iyo shacab badan.

Ka qeybgalayaasha dibadbaxan ayaa socod ka billaabay taalada Daljirka Daahsoon oo ay isugu yimaadeen markii hore, waxaana socod ay ku tageen illaa xarunta safaaradda safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Waxay muujiyeen dhammaan dadkan in ay aad uga xunyihiin wixii ka dhacay dalka Turkiga, waxayna dowladda dalkaasi uga mahadceliyeen sida ay uga guulleysatay arrintaasi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadal ka jeediyey dibadbaxaasi ayaa sheegay in shacabka Muqdisho aad uga xumaadeen wixii ka dhacay Turkiga, waxaana uu ugu hambalyeeyay ciidanka dalkaasi sida ay u fashiliyeen inqilaabkaasi.

Wasiirka Diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo hadal ka jeediyey dibadbaxan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay wixii xalay ka dhacay Turkiga.

“Turkiga waa wadan Islaam ah, dowladaha Islaamka neceb ayaa kasoo horjeeda, waxay wax badan ka qabtaan Soomaaliya, waana ka xunnahay wixii ka dhacay dalkaasi iyo in la isku dayo in la inqilaabo dowladda”

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u wanaagsan, waxaana ay waxaana Turkiga uu dalka ka fuliyey mashaariic aad u badan.

001 002 003 004 005 006 007 008 009 10 11 12 13 14 15 16

Goobjoog News