U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ku Geeriyootay Weerarkii Hotel Saxafi (Magacyada)

Sheeko:Dalka

Faah faahin cusub ayaa laga helayaa weerar saaka lagu qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi ay ku geeriyoodeen mas’uuliyiin kuwo kalena dhaawac uu soo gaaray.

Warbaahinta dowladda ayaa goor dhaw lagu daabacay in weerarkii Hotel saxafi ay ku geeriyoodeen, C/rashiid Shire Il-qeyte oo ahaa Milkiilaha Hotelka Saxafi ee la weeraray, Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon iyo Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal C/kariin Dhega Badan.

Waxaa jira khasaare kale oo dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo Hotelka ku sugnaa, balse weli si rasmi ah looma xaqiijin magacyadooda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News