Mas’uuliyiin Lagu Dilay Waddada u Dhaxeysa Jowhar iyo Balcad

Ilaa saddex mas’uul oo ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa lagu waramayaa in lagu dilay waddada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

Dadkan ayaa sida la sheegay u dhintay qarax miino oo la dhigay jidka, taasi oo lala eegtay gaariga ay saarnaayeen, waxaa kale oo jiray waardiyahooda oo khasaare soo gaaray, laakin lama oga tirada dhimashada.

Mas’uuliyiinka la xaqiijiyey geeridooda ayaa kala ah: Cabdullahi Saqaawe oo ah guddoomiyaha guddiga maaliyadda Shabeelada dhexe, Axmed Sabriye wasiirkii hore ee ganacsiga ee Hirshabelle iyo nin samofale ah oo lagu magacaabo Xasan Baldoos.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW