Maxaa dhacaya haddii dadka Maatada ah ay Soo dhex galaan Dagaal aan Khuseyn?

Waa filim Ingiriis ah oo uu ka soo dhex muuqanayo Jilaa Soomaaliyeed , waana mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee la filayo xagaaga soo aaddan, waa filim siyaasadeed kana duulaya su’aal saldhig u ah oo muhiim ah , Maxaa dhacaya haddii dadka rayidka ah ay dhex galaan dagaal aan khuseyn?

Qoraaga filmka J.Hebert ayaa si heer sare ah u qoray filimka, isagoo adeegasaday koox jilyaal ah oo aad u heer sarreeya oo ay ugu horeyso Helen Mirren iyo Alan Rickman iyo Actor-ka Soomaaliyeed ee Barkhad Abdi kaas oo ka mid ahaa jilayaasha filmkii Captain Phillips.

Filimka ayaa sheekadiisu tahay sarkaal ka tirsan hoggaanka howlgallada gaarka ah ee diyaaradda aan duuliyaha lahayn “Drons” ee sawira kooxaha mayalka adag ee ka howl gala dalka Kenya, qorshuhuna uu yahay sidii kooxahaa gacanta loogu dhigi lahaa, iyadoo  lagu guda jiro raadiska iyo baaritaanada kooxda ayaa waxaa la ogaanayaa qorshe kooxda mayalka adag ay ku dooneyso iney qaraxyo ku fuliso.

Ka dib sheekadu noqoneysaa in kooxda la laayo, sidaa daraadeed amarka ayaa loo gudbinayaa hoggaanka sare ee ciidanka si ay go’aan uga qaataan.

Iyadoo uu xaalku sidaa yahay ayaa diyaarad Drons ah ay qaadeysaa howlgal si ay u soo disho xubnaha mayalka adag ee weerarada damacsan, kuwaas oo ku dhuumanayay deegaan ay ku nool yihiin dadka faqiirka ah ee magaalada Nairobi.

Diyaaraddii Drons-ka ahayd oo isku diyaarineysa iney duqeyn sameyso ayaa Gabar yar oo 9jir ah oo iibineysa rooti ay soo dhex galaysaa goobtii bartilmaameedku ahaa isla markaana ay ahayd in la duqeeyo, kadib filimka oo markii hore ahaa mid lagu soo bandhigayay qalabkii ugu casrisanaa ee teknolojiyadda iyo heerkii ugu sareyay ee sirdoonka ayaa isku bedelaya mar qura film gudbinaya farriin siyaasadeed iyo mid bani’aadmnimo oo aad u heer sarreysa.

Waxa uu noqonayaa filim duruufta waajahaya oo macno mug leh gudbinaya, markii ugu horeeysanaya daaha looga qaadayo teknolojiyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee “Drons”.

Waxaana filimka lagu gudbinayaa farriin ah in diyaaradahaas laga ilaaliyo iney dadka rayidka ah waxyeelleeyaan caalamanka loo sheegayo.

Jilaaga reer Ingiriis ee Helen Mirren ayaa jileysa kaalinta sarkaalka filimka, jilaaga Soomaaliyeed ee Barkhadna uu jilayo kaalinta koox garab siineysa xulafada si xagjirka war looga helo.

Filimka ayaa ah filim Adventures ah isla markaana siyaasi ah oo ay ka dhex muuqdaan gudbinta farriimo muhiim ah iyo hufnaan sare, waana sida ay sheegayaan warbaahinta dunida.

Ugu dambeyn waa filim uu ka dhex muuqdo jilaa Soomaaliyeed oo ah runtii arrin dhallinyaro badan oo hal-abuur leh yididiilo siineysa, kuna dhiirri gelineysa iney ka mid noqdaan hay’adaha dunida ugu waaweyn ee dhanka filim sameynta, si ay iyaguna kaalintooda uga qaataan.

5efb5e23-031b-4246-a8e0-7ece34727741 d4e05f39-1a48-4581-8b06-c248be70d915 5bbf6aaa-603c-450e-abb9-9a48ad00b892

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW