U bood dhigaalka

Maxaa Dibad-baxayaasha Uga Horreeya Daljika Daahsoon?

Sheeko:Amniga
Jimcaha waxaa lagu wadaa in dibadbax ay soo abaabuleen kooxda musharaxiinta Jaziira lagu qabto Daljirka Daahsoon ee bartamaha Muqdisho.
Si arrintaasi u suuragasho, wararka ayaa sheegaya in madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ay xalay degeen hotel ku yaalla agagaarka Daljirka, iyada oo ciidamadooda ay joogaan xarunta dibadbaxa.
Dhanka kale, Midowga musharaxiinta iyo guddiga qabanqaabada bannaanbaxa oo la hadlay Goobjoog News waxay noo sheegeen iney diyaariyeen
1. 10 kun oo “face masks” ah ama afxirasho oo loogu talo-galay dibadbaxayaasha
2. Dhowr boqol oo “Hand Sanitizers” oo faraha lagu dhaqdo, oo dadka looga horkeenayo inta aaney tagin goobta
3. Koox gargaar degdeg oo ku fiican xaaladaha degdegga ah!
4. Ambulance lagu qaado dadka haddii ay wax dhacaan!
5. Biyo dadka harraadsan ay cabaan
Shir Jaraa’id oo uu arbacadii qabtay Cusmaan Dubbe oo ah wasiirka warfaafinta oo la joogeen wasiirka caafimaadka iyo qaar ka tirsan hey’adaha amniga ayaa lagu mamnuucay isu imaatinka iyo dibaxyada xilli jimcaha lagu waday in mucaaradka dhintaan bannaanbax.
Goobjoog News