U bood dhigaalka

Maxaa Hortaagan Qeybinta Shahaadooyinka Iyo Kaararka Aqoonsiga Ee Xildhibaannada La Doortey?

Sheeko:Dalka

Inta badan waxaa la doortey xildhibaannada aqalka hoose, iyadoo la filayey in xildhibaannada la doortey loo sameeyo Kaararka aqoonsiga, balse arrintaasi ay dib u dhacday.

Guddiga doorashada dadban ee Heer Federaal ayaa Goobjoog News u sheegay waxa hortaagan in kaararka aqoonsiga la siiyo xildhibaannada la doortey ee Labada aqal.

Afhayeenka guddigan Maxamed Keynaan oo la hadlay Goobjoog News, wuxuu sheegay in Kaararka bixintooda u xaniban yihiin oo kaliya dhameystirka doorashada xildhibaannada doorashada xildhibaannada harsan iyo sidoo kale jawaab ay  ka sugayaan guddiga xallinta khilaafaadka oo ku mashquulsan xallinta kuraas lagu muransan yahay.

Xildhibaannada aqalka sare ee la doortey ayaa ah 43 mudane, waxaa harsan 11-ka xubin ee Somaliland, halka xildhibaannada aqalka hoose ee la doorteyna yihiin 201 mudane, iyadoo ay harsan yihiin doorashada 74 mudane.

Goobjoog News