U bood dhigaalka

Maxaa Iska Bedelay Ammaanka Caasimadda, Kadib Howgalinta Ciidanka Police Militaire?

Sheeko:Amniga

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho tan iyo markii ammaankeeda lagu wareejiyay ciidamada Police Milatare iyo kuwa nabad sugidda oo iskaashanaya waxaa laga dareemayaa  xasilooni amni, marka laga tixraaco xaaladihii ka jiray bil ka hor degmooyin iyo deegaanno ka tirsan hoostaga caasimadda oo looga maaro wayay Ciyaal Weero.

Dabayaaqadii bishii Ramadaan ciidanka huwanta ah ayaa howlgallo baaxad weyn ku qaaday degmooyinka kala ah Kaaraan, Yaaqshiid, Kaxda iyo degmada Deyniile, waxaana muddo gaaban ciidanku ay ku guuleysteen in la hakiyo dhaca loo geysanayay shacabka iyo iyo waxyeellada Ciyaal Weerada oo dhibaato ku hayay bulshada caasimadda.

Goobjoog ayaa intii uu socday howlgalka lagu xasilinayo caasimadda waxaa ay booqasho ku tagtay degmooyinka Kaaraan iyo Kaxda, kuwaas oo dhibaato badan ku qabay amni darro ay mas’uul ka ahaayeen Rag xiran Tuutaha askarta  oo dhac u geysanayay shacabka iyo Ciyaal Weerada oo marar dhowr ah geystay falal amniga liddi ku ah.

Shacabka waxaa ay sheegayaan in ciidanka Police Miltare ay ula dhaqmaan si wanaagsan, waxaana taas keentay in shacabku ay ku kalsoonaadaan ciidanka” Maqribadii ayaa xaafadaha lagu aruurijiray, Ciyaal Weeradu markii ay jireen, hadda shaqada waxaa la gaarsiiyaa 1:00 habeenimo” ayuu yiri gacansade ku dhaqan degmada Kaaraan.

Taliyaha hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa kormeerro kale duwan ku tagan baraha laga hubiyo gaadiidka caasimadda, waxaana uu u kuurgalayay xaaladda amni ee caasimadda oo la warinayo inuu ka jiro isbedel muuqda, tan iyo bishii Ramadaan oo ciidanka Nisa iyo Police Miletare

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale iyo laamaha amniga ayaa dhowr jeer kormeer ku tagay degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid intii lagu jiray bisha Ramadaan, iyagoo u kuurgalayay xaaladda amniga iyo waxa iska bedelay, waxaana ay bogaadiyeen howlgallada Police Milatare.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Madaale oo hadlay ayaa sheegay in gacan ay kula dagaalami doonaan dhaca iyo Ciyaal Weerada, gacana ay kula dagaalamayaan waxyaabaha Maanka dooriya, waxaana maamulka gobolka uu ku dhawaaqay inaan Muqdisho lagu arki karin goobaha  anshax xumuda sida lagu sheegay wareegto soo baxday .

Ciidanka ka shaqeeya ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa lagu soo tababaray Uganda, waxaana gacan ka geysatay dowladda Imaaraadka Carabta, madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Shiikh ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka taageerada ay siiso ciidanka Booliiska gaarka ah ee Police Milatare.

Ciidamada kale duwan ee ka howlgalo caasimadda magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay ka wadeen  howlgallo lagu sugayo amniga guud ee caasimadda, waxaana ciidamadu ay ka hortageen falal amniga lid ku ah oo dhacay, ciidanka ayaa sidoo kale degmooyinka gobolka ka waday la dagaalanka Maandooriyaha.

Goobjoog News