U bood dhigaalka

Maxaa Jirkaaga Ku Dhacaya Haddii Muddo Bil ah Aad Iska Dhaafto Sonkorta?

Sheeko:Caafimaadka

Warbixin lagu soo daabacay wargeysa “hemsleyandhemsley” ayaa lagu sheegay in faa’iidooyin farabadan oo caafimaad ay leedahay haddii muddo bil ah aad iska joojiso sokorta.

Hadaba faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo sokorta oo la iska joojiyo muddo bil ah waxaa ka mid ah:

1-   Miisaanka Jirka oo Hoos U Dhaca

Sonkorta oo aad iska joojiso amaba aad iska yareyso si weyn waxa ay hoos ugu dhigtaa miisaanka. Cilmibaaris hore loo sameeyay ayaa sheegaysa cabitaannada iyo cunnooyinka ay sonkortu ku badan tahay iney miisaanka kordhiyaan, sokorta oo la yareyaana ay keento in miisaanku uu hoos u dhaco.

2- Raashin Cunistaada oo Miisaan Yeelata

Marka sokortu ay jirka gasho cuno waxa uu jirku soo saaraa “dopamine” iyo “serotonin” oo saameysa  omateedka  xoojisana.

Dopamine-ku waa maaddo la falgasha maskaxda oo dareemo badan saameyn ku yeelatay, sida;  baraarugga, jihaynta iyo dhaqaaqa jirka, halka serotonin-ku uu yahay dareen side.

  1. Hurdo Fiican oo jirku helo

Jariidada The Independent oo warbixin ka sameysa mowduucan ayaa waxay wareysatay khubaro badan oo dhanka caafimaadka guud ee dalka  Britain, oo ay ku jirtay Dr. Allison Tedstn oo  u sheegtay in sonkortu ay dhiigga la falgasho, socodkeeda guda dhiigga ay kolba dhinac u jiiraysaana ay hubaal tahay in ay saameeyn ku yeelanayso hurdadada qofka.

  1. Jirkaaga oo Muuqaal fiican Lasoo baxa

Warbixinta ayaa sheegaysa in muddo bil ah oo aad iska dhaafto amaba aad aad u yareyso sonkorta uu muuqaalka jirkaaga ay saameyn wanaagsan ku yeelanayso, waxa uu noqonayaa mid aad u ifaya oo ka dhalaal badan sidii hore.

5- Waxaa yaraata Khatarta Cudurka Sonkorowga Nooca Labaad

Tirada cudurka sokorta uu ritay waxay noqotay Afar Laab dhammaan daafaha dunida, 35 sano ee la soo dhaafay, iyadoo arrinkan loo aaneynayos isticmaalka sokorta.

6- Khatarta Cudurrada Wadnaha oo Yaraata

Daraasad laga sameeyay arrinta ayaa lagu ogaaday in dadka sonkorta si xoog ah u isticmaalaa ay khatar ugu jiraan 38% iney u dhintaan cudurro dhanka wadnaha ah.

7-Suuska ilkaha oo Yaraada

Ururka caafimaadk adduunka oo horay cilmibaaris uga sameeyay mowduucan ayaa ogaaday in sonkortu oo si xoog ah loo adeegsado ay suuska ilka si weyn u dhiirigeliso. Dadka badsadaana ay khatar ugu jiraan.

Ugu dambeyn, warbixintan ayaa lagu sheegay in sonkorta oo la iska yareeyaa ay leeyahay farxad dheeraad ah, iyadoo ilkahaaga inuu suus ku dhaco  uu aad u yaraanayo.

Goobjoog News