U bood dhigaalka

Maxaa Ka Jira Iney Kulmayaan Madaxweyne Farmaajo Iyo Muuse Biixi?

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aaddan uu gaaro magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib casumaad uu ka helay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Warar soo baxaya waxya sheegayaan in sidoo kale magaaladaasi uu ku wajahan yahay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo haatan ku sugan dalka Jabuuti.

Labadan mas’uul ayaa kulan fool ka fool ah ku yeelan doona magaalada Addis Ababa, waxaana ay ka wadahadli doonaan arrimo dhowr ah.

Itoobiya ayaa dooneysa hadda in dib uu u bilowdo wadahadalladii dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Somaliland oo muddo hakad ku jiray.

Lama oga ajendaha rasmiga ah ee shirka mas’uuliyiintan, hase ahaatee kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horreeyey ee Labada dhinac yeeshaan tan iyo markii madaxweynaha dowladda federaalka loo doortay maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News