U bood dhigaalka

Maxaa Ka Soo Baxay Baarista Dilka Taliyaha Nabad Sugidda Mudug?

Sheeko:Amniga

Ciidamada Ammaanka ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa xalay ilaa saala hawlgallo ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacyo kadib dil isla xalay magaalada loogu geystay taliyihii nabad sugidda gobolka Mudug ee Puntland Kornel Xaashi Aadan Cilmi.

Baarista ayaa lagu waramayaa in weli socoto, waxaana la sheegay in tiro dad ah loo qabtay, laakin saxaafadda lalama wadaagin wax macluumaad ah oo arrintaas la xiriira.

Dhinaca kale Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cismaan Maxamed Cabdullaahi ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo, isagoo maanta kormeeraya saldhigyada ciidamda Booliska ee magaaladaas, lana kulmaya saraakiisha Booliska ee dhinacyada Puntland iyo Galmudug.

Goobjoog News