U bood dhigaalka

Maxaa kala Heysta Gudoomiye Jawaari Iyo Xildhibaanada Mooshinka Ka Keenay Madaxweyne Xasan Sheekh?!!

Sheeko:Dalka

Hadalkii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ee Jimcihii September 25, 2015-ka kuna saabsanaa in Mooshinka lasoo afjaray waxaa uu dab cusub ku shiday Mooshinka, waxa uu kiciyay Xildhibaanadii Mooshinka keenay iyo xitaa qaar kale oo iska aamusnaa, waxaana laga bixiyay Jawaabo kulul.

Waxyar kadib markii uu Jawaari war Saxaafadeedka soo saaray ayaa xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan si kulul uga hadashay go’aankii kasoo baxay guddonka baarlamaanka.

Fowsiyo waxa ay sheegtay in gudoomiye Jawaari aanu ahayn gudoomiye Maxkamadeed, islamarkaana uu yahay Afhayeenka Baarlamaanka, uuna hareer maray shaqadii loo dhiibay iyadoo intaa raacisay in aanay jirin Xildhibaanno ka laabtay Mooshinka, arintaasina laga been abuurtay.

Dhinaca kale Xildhibaan Cumar Cali oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in guddoonka baarlamaanka uu isticmaalay awood uu san isagu lahayn, waxaa uu tilmaamay in dastuurka iyo xeer hoosaadka baarlamaanka aanu gudoomiyaha Baarlamaanka siineyn awood uu meesha uga saari karo mooshin islamarkaana uu go’aano ku qaadanayo.

Jawaabtii ugu adkeyd waxaa ay aheyd shirka Jaraa’id ee Sabtidii September 26, 2015 ay qabteen Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha.

War Saxaafadeed uu akhriyay Xildhibaan Axmed Aabi Aden, kana koobnaa 8 qodob ayaa lagu dhaleeceeyay go’aanka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jawaari.

Xildhibaanada ayaa qoraalkooda ku sheegay in ay walaac iyo walwal ka muujinayaan go’aan qaadasho xumida guddoomiyaha golaha shacabka iyo sida uu ugu dhiiranayo ku xad gudubka dastuurka iyo sharci hoosaadka baarlamaanka. Qodobada halkaan ka akhriso (RIIX)

Xildhibaanada waxaa ay ku doodeen in  guddoomiyuhu si daacad darro ah uga baxay Xildhibaanada BaLlan markii Labaad, taas oo dhalisay in xildhibaanada ku qancaan in uusan marnaba dhex dhexaad ka ahayn arrinta Mooshinka, Xildhibaanada waxaa ay ku tallaabsadeen in ay ka gun gaaraan asbaabta kallifeysa inuu u macaamilo wax u muuqda Musuqmaasuq iyo wax ka soo hor jeeda danaha dalka sidaasi awgeed Xildhibaanada waxaa ay go’aan ku gaareen in wada hadal dambe aaney galeynin maadaama Guddoomiyhu muujiyay daacad darro soo noq noqtay.

Xildhibaanada oo hadalkooda sii wata ayaa  shacbka Soomaaliyeed u sheegay in guddoomiyaha golaha shacabka uu god madow ku riday cadaaladdii iyo sareyntii sharciga taasi oo keeni doonta in aan dib loo xisaabtami doonin Madax dambiyo qaran gashay iyagoo ku dooday in Jawaari uu  difaacay  Musuq maasuq iyo hoos u dhigga awoodda golaha shacabka.

Ugu Dambeyntii Xildhibaanada ayaa balan qaaday in ay soo saari doonaan dhawaan tallaabooyin xiga oo sharciga waafaqsan oo ay tahay in la qaado si mooshinka horay ugu soo socdo.

Halkan Ka Akhriso Sooyaalka Mooshinka Ka Dhanka Madaxweynaha:

August 12, 2015:  Xildhibaano ka badan 93 ayaa soo saaray  qoraal ka kooban sagaal bog oo lugu sharaxayo  mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dalka Xasan Sheekh.

Xildhibaanada ayaa Madaxweyanaha ku eedeeyay  falal ku saleysan xadgudubyo culus oo lid ku ah Qaranimada Soomaaliya,  wax qabad la’aan, hoggaan xumo xaga amniga iyo qoddobo kale.

Guddoonka baarlamaanka ayaa isla maalintaas  gacanta loo geliyay Mooshinkan, waxaana la sheegay in laga yaabo inay Maxkamadda sare ee dalka u gudbiso, si ay usoo hubiso eedeymaha Madaxweynaha ay u jeediyeen Xildhibaanada, haddii ay soo xaqiijisana uu Baarlamaanka markaas dood gelin karo.

September 12, 2015: Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhinacyada isku haya Mooshinnada iska horjeeda ee Baarlamaanka la keenay ay isugu yimaadaan Miiska Wada hadalka .

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu wakaalad buuxda siiyay Ra’isul Wasaaraha si xildhibaanada uu kala xaajoodo.

Waxaa kaloo qodobada ka mid ahaa in Xildhibaanada Guddi soo Magacaabaan iyo in wada Xaajoodka ay hor kacayaan Guddoomiye Jawaari iyo Ku Xigeenadiisa.

September 13, 2015kii, waxaa sidoo kale War Saxaafadeed 14 qodob ka kooban  soo saaray Xildhibaandii mooshinka ka keenay Madaxweynaha iyagoo soo dhoweyneynaa baaqa Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo in ay labada dhinac wada hadal dhab ah ka galaan eedeymaha culus ee Mooshinka ku xusan iyagoo inta araaciyay in ay  diyaar u yihiin  in aan si niyad sami ah u galeyno wada hadalka.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay magacaabayaan guddi uga  qeybgalo wada hadalka sida uu Guddoomiyaha soo jeediyey iyo iyagoo aqbalay in hoggaanka Golaha Shacabka (Guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen) ay noqdaan dhexdhexaadiyayaal inta uu wada hadalka socdo.

September 25, 2015: Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaray go’aan ku saabsan mooshinka Madaxweynaha Somaliya.

Xildhibaanada ayaa lagu casuumay Kulan 7-da October dhex maraya Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Ra’isul Baarlamaan.

Guddoonka ayaa sheegay in la soo afjaray Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha kaas oo socday ilaa  12-kii August, 2015-ka.

September 26, 2015: Xildhinaada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha ayaa soo saaray war Saxaafadeed ilaa 8 qodob ah oo looga Jawaabayo hadalka Jawaari, Xildhibaanada ayaa ku adkeystay in ay sii wada yaan Mooshinka iyagoo ku eedeeyay Ballan ka bax, Ku Xad gudubka Dastuurka iyo Xeer Hoosaadka iyo in uu Jawaari horseeday difaaca Musuq maasuq iyo hoos u dhigga awoodda golaha shacabka.

Dhinaca kale waxaa jira xildhibaanno iyagana ku qancay hadalka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, sheegayna in wada hadalka uu yahay waxa kaliya ee looga gudbi karo khilaafka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa mar uu wareysi siiyay Goobjoog News, waxa uu sheegay in muranka Mooshinka xalkiisa yahay wada hadal, islamarkaana iyadoo la eegayo danaha dalka iyo dadka ay muhiim tahay in la yareeyo buuqa jira.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa qudhooda waxay ku sheegeen arrimahaan hadda kasoo dhex cusboonaaday baarlamaanka, in laga yaabo inuu keeno qas siyaasadeed cusub, islamarkaana mooshinkaan uu caqabad ku noqdo shaqo badan oo baarlamaanka looga baahnaa.

Gudoomiye Jawaari oo isaga aad ugu mashquulsanaa sida lagu xalinayo khilaafka ka dhex curtay xildhibaanada baarlamaanka, sidoo kalena doonaya in mooshinka aragtiga laga qabo meel dhexe la’isugu yimaado ayaa go’aankii uu soo saaray waxa uu la mid noqday dab shidaal lagu shubay bedalkii ay wax xasili lahaayeen.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ugu wareersan siyaasadda ka dhex socota golaha shacabka, sababtoo ah dadka waxaa dhegahooda ka badatay mooshin la keeno iyo mas’uul la eryo oo kaliya.