U bood dhigaalka

Maxaa Kala Socotaa Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Ee Dhacay Bisha September Ciyaaraha Soomaaliya

Sheeko:Cayaaraha

01-September 2019-Daa’uud Cabdullahi Tubaal oo ka tirsan kooxda Dekeddaha ayaa loo magacaabay macallinka kooxda kubbadda cagta Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxayna u aheyd markii ugu horeesay oo laacibkan loo magacaabo xili tababarnimo.

02-September 2019-Garoonka Cawaale ee magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacday munaasabad ay xilalka ku wareegayeen guddoomiyihii hore is boortiga Gobolka Mudug mudane Jeeri iyo saaxiibkiisa isaga badalay mudane Gaabshe waxaan madashan goob joog ahaa madaxda iyo bahda ciyaaraha magaalada.

03-September 2019-Maamulka kooxda Elman Sports ayaa xilk macallimino ee kooxdooda u magaacabay Robert Mayanga,isgaoo Elman maamulay sanadii 2017 wuxuuna macallinka reer Uganda sheegay in uu aad ugu faraxsanahay kusoo laabashada iyo hogaaminta kooxda Elman.

04-September 2019-Madaxda Xiriirka kubbadda cagta Puntland ayaa kulan wada tashi iyo dib dhiska isboortiga magaalada Boosaaso la qaatay qaybaha kala gadisan ee ciyaaraha waxaana kulankaa la is dhaafsaday in si wadajir looga qeyb qaato geedi socodka iyo horomarka isboortiga Puntland.

05-September 2019-Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa guul raaxo leh ka gaaray dhigiisa Zimbawbe is reeb reebka koobka aduunka 2022 ee ku qabsoomaya wadanka Qatar waxaana goolka uu qarankeena ku badiyay u dhaliyay laacibka kooxda Elman Sports Club Anwar Sayid Cali (Shakuunda)

05-September 2019-Ciyaaaraha kubbadda gacanta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir  ayaa magaalada Muqdisho lagu soo gabeeyay waxaana  kooxda degmada Hodan,iyagoo koobka ka qaaday xidigahaShibis.

06-September 2019-Guddoomiyaha xariirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab iyo guddoomiyaha naadiyada Elman,Muqdisho City,Hilaac iyo Rajo ayaa kulan mahad celin iyo dhiiri gelin dalka Jabuuti kulan qaatay macalimiinta iyo  ciyaaryahanda ee guusha weyn ka gaaray xulka Zimbabwe.

07-September 2019-Garsoorayaasha Kubbadda Cagta ayaa Muqdisho waxaa ugu furmay tababarka FIFA MA COURSE oo sanad walbo loo qabto garsoorayaasha caalamka,waxaana casharadan bixinayay macallimiinta kala ah Maxamed Xuseen Gaabooni oo u dhashay wadanka Jabuuti iyo tababare Cali Saciid.

08-September 2019-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ku wareejiyay lacag dhan 150,000 Doolar oo lagu horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr.Ayuub ee magaalada Baydhabo.

09-September 2019-Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee X.K.Cagta Soomaaliya Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed iyo madxda xiriirka kubbadda Cagta Puntland ayaa kulan  lagu gorfeeyay horumarka iyo hanaanka kubbadda cag Gobolka Bari iyo sidii loo tayeen lahaa garoomada la qaatay bulshada iyo bahda ciyaaraha.

10-September 2019-Xulalka Soomaaliya Iyo Zimbawbe ayaa magaalada Haraare ku dheelay lugta labaad ee is reeb reebka koobka aduunyada,iyadooo xulkeena lagoo adkaaday 3-2,taageerayaasha xulka qaranka ayaa u mahad celiyay macalimiinta iyo ciyaartooyda ee wax qabadka wanaagsan soo bandhigay.

11-September 2019-Xiriirka Kubbbadda Cagta Soomaaliya ayaa tababar  u soo xeray garsoorayaasha heerka caalami iyo kuwa gudaha,iyadoo sidoo kale ay tababarkan ka qeybgaleen garsoorayaal kala gedisan oo ka kala socday Maamul Goboleedyada dalka waxaana tababarkaa loo yaqaanaa FIFA-MA REFERRING .

12-September 2019-Tartanka Kubbadda cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir 2019 ayaa Muqdisho ka furmay waxaan daah furay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) iyo raysal wasaare ku xigeenka dowladda Mahdi Khadar Guuleed.

13-September 2019-Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa kulan mahad celin iyo baraajin Muqdisho ugu sameeyay xulka dhallinyarada ee ka qeybgalay tartanka 15 Jirada Bariga iyo Bartamaha Afrika 2019.

15-September 2019-Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee X.K.Cagta Cabdullahi Sheikh Nuur Axmed  iyo madaxa waaxda xiriirka Carabta, Maxamed Cusmaan Ibraahim ayaa magaalada Jidda ugu qeyb galay doorashada hogaanka xariirka carabta waxaana afarta sano ee soo aadan loo doortay Amiir Cabdulcaziiz.

16-September 2019-Kooxda Dowladda Hoose Ee Muqdisho City Club ayaa saxaafada u soo bandhigtay weeraryahankii hore kooxaha kubbadda cagta LLP Jeenyo iyo Dekeddaha  Feysal Xasan Xaashi.

17-September 2019-Kooxda Elman Sports Club ayaa saaxafada usoo bandhigtay xidigaha kala ah Xamza Xasan iyo Maxamed Cusmaan Abuukar waxayna saxiixeen heeshiis min labo sano ah oo ay ku joogaan naadiga kubbadda cagta Elman Sports Club.

18-September 2019-Weeraryahankii hore kooxaha Jeenyo iyo Dekedda Feysal Xasan Xaashi ayaa kasoo muuqday kulankii ugu horeeyay kooxdiisa Muqdisho City Club wuxuuna kulan ahaa mid saaxiibtinimo oo u dhaxeeyay xidigaha xulka qaranka 20 Jirada oo ay labada dhinac wada dheeleen.

19-September 2019-Mas’uuliyeen ka socotay Wasaarada ciyaaraha & dhallinyarada iyo xariirka kubbadda cagta Puntland ayaa caasimada Karkaar ee Qardho u tagay booqasho,iyagoo kormeeray xafiisyada ciyaaraha waxayna la kulmeen bahda isboortiga,iyagoo ka dhageystay baahiya ka jira deegaanka iyo waxyaalaha ay doonayaan in laga caawiyo sida Qardho ay u gaarto horomar sare oo dhinaca ciyaaraha .

20-September 2019-Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay ciyaaraha Floorball waxaana Soomaaliya ugu qey galay dhallinyaro ka socotay wadanka Sweden.

21-September 2019-Xariirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa madaxda Dowladda Ka dalbaday in kaalin wanaagsan ka qaataan horomarka guulaha Xulka Qaranka iyo dhiiri-gelinta dhallinyarada matalaya dalka.

22-September 2019-Maamulka naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa kooxdooda kusoo dhaweeyay xidigihii kooxaha L.L.P Jeenyo iyo Dekeddaha Feysal Xasan Xaashi,iyagoo sheegay in maamul ahaan ay ku faraxsanyihiin soo qaadashada laacibkan.

23-September 2019-Daafaca kooxda Muqdisho City Club Axmed Cabdullahi Baanuu ayaa goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay Xulk Qaranka wuxuuna ka dhaliyay xulka Burundi.

24-September 2019-Guddiga arimaha hormarinta Maamul Goboleedyada ee Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa sheegay in ay wax qabteen 10-kii bil lasoo dhaafay,iyagoo sheegay in ay xafiisyo ay ku shaqeeyaan u fureen ururada kubbadda cagta Hirshabeele,Koonfur Galbeed,sidoo kale soo daraaseeyaan baahiya ka jira maamulada Jubaland,Puntland iyo Koonfur Galbeed,iyagoo sheegay in sanadaha soo aadan is badal weyn la arkidoono.

25-September 2019-Maxamed Cabdirashiid Ibraahim,Salma Cabbdirashiid Ibraahim iyo Sihaam Cabdirashiid Ibraahim ayaa Soomaaliya ku matalay ka qeyb galka furitaanka Pan Arab Championships .

26-September 2019-Ciyaartooydii hore xulka qaranka iyo bahda isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Finland ayaa kulan mahad celin u sameeyay xidigaha kala ah Axmed Saciid Axmed iyo Xuseen Maxamed Cabdi Kariim oo qeyb ka ahaa xidigihii wacdaraha muujiyay.

27-September 2019-Wasiirka Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka Koonfur Galbeed Maxamed Deeq Nuur Cabdi ayaa degmada Xudur kusoo xeray tartan u socoday kooxaha ka dhisan degmada Xudur ee maamulka Koonfur Galbeed wasiirka ayaa sheegay in ay xoogaa saraayaan hooromarinta ciyaaraha.

28-September 2019-Madaxda Ururada Dhalinyarada,Xariiirka Kubbadda Cagta Galmudug iyo guddiiga gudiga dhismaha garoonka cayaaraha Cadaado ayaa madaxda Dowladda ka codsaday in la dhamaystiro qarashka ku baxaya dhameynta naqshada dhismaha garoonka kubbadda cagta degmada Cadaado,

29-September 2019-Degmada Waaberi ayaa sanadkii shanaad oo xariir ah usoo gudubtay wareega afar dhamaadka,ka dib markii ay 1-0 kaga adkaadeen xidigaha kooxda Yaaqshiid.

30-September 2019-Maxamed Xuseen Gaabooni oo u dhashay wadanka Jubuuti iyo Cali Saciid Maxamed oo ka mid ah macallimiinta FIFA ee dhinaca garsoorka ayaa balanqaaday in ay diyaar u yihiin in ay aqoontooda iyo waqtigooda ugu deeqaan garsooryaasha kubbadda cagta ee Maamul Goboleedyada,waqti kasta loo baahdana ay safaro kala duwan ku bixindoonaan gobolada Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Warbixin Soo Koobaysa Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Bisha September 2019

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/440526160147489/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Email-qalinle39@gmail.