U bood dhigaalka

Maxaa Kasoo Baxay Kullamada Ugu Dambeeyey ee Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Musharaxiinta?

Sheeko:Amniga

 

Waxaa maalmihii tagay ka socday caasimadda Muqdisho wada hadallo iyo kulamo u dhaxeeyey madaxda maamul goboleedyada iyo musharaxiinta.

Kulamadan oo bilowday markii uu yimid madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayey musharaxiinta sidoo kale si gaargaar ah ama si guud ula kulmeen madaxweyneyaasha maamul goboleedyada kale sida Puntland Saciid Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in laga dooday qodobbo badan oo ku saabsanaa xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashada iyo sidii horay loogu socon lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in la isku afgartay Saddex qodob oo waaweyn

Qabsoomidda Shirka: Si shirka doorashada aanu u fashilmin, midowga musharaxiinta ayaa ku guuleystay iney u kala dab qaadaan labada garab ee maamul goboleedyada, iyaga oo ku qanciyey in meesha laga saaro kala shakinta iyo doodda la geliyey meesha uu shirka ka dhacayo iyo dhexdhexaadinta beesha caalamka, horayna loo socdo. Waxaana lagu heshiiyey in shirka uu ka dhaco Afisyooni  iyada oo ay kasoo qeyb galayaan dhammaan dhinacyada maamul goboleedyada.

In Farmaajo Laga Wareejiyo Amniga iyo Doorashada: Waxaa shirarkaasi lagu heshiiyey in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu wareejiyo amniga iyo doorashooyinka, isla markaana lasoo celiyo booliiska hore, oo ay  doorashada kala shaqeeyaan AMISOM, xukuumadda Rooble iyo madaxda maamulka goboleedyada ay qaadataan kaalintooda arrimaha doorashada.

Waxaa kale oo la isku afgartay in Farmaajo uu saxiixo warqad uu ku laalayo awoodaha madaxweynaha ee hadda uu isticmaalo wixii ka dambeeyey February 8.

Tanaasulka Musharaxiinta: Dhanka kale, wararka ayaa intaas ku daraya in midowga musharaxiinta ay ku war geliyeen maamul goboleedyada in ay iska dhaafi karaa kaqeybgalka shirka haddii cabashadooda miiska wada hadallada la geynayo, oo ay ka mid tahay in la ciqaabo taliyeyaashii ku lug lahaa weerarkii February 19, amniga doorashada iyo arrimo kale.

Goobjoog News