U bood dhigaalka

Maxaa Kasoo Baxay Shirarka Ergeyga Qatar Uu Muqdisho Kula Yeeshay Madaxda Federaalka Ah?

Sheeko:Dalka

Ergeyga gaarka ah ee Qatar u qaabilsan la dagaalanka argigixisada iyo dhexdhexaadinta oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kulamo la yeeshay Madaxda dowladda Federaalka.

Dr. Mudhlaq ayaa ugu horeeyn waxaa uu la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyaga oo ka wada hadlay xaaladda dalka iyo doorashada 2021-ka.

Dr Mutlaq ayaa kulan waxa uu la yeeshay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdraxmaan iyaga oo kawada hadlay sidoo kale xaaladda dalka uu maryao gaar ahaan doorashooyinka.

Xoghaya guud ee golaha shacabka Cabdikarim xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in guddomiyaha Golaha Shacabka iyo ergeyga Qatar inay kawada hadleen doorashooyinka uu hadda dalka galayo uuna bogaadiyey ergeyga go’aankii ay qaateen golaha shacabka oo ay ku laaleen muddo kordhintii ay sameeyeen Madaxweynihii hore.

Dhanka kale Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS  Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Dr Mutlaq Al qatxaani, labada mas’uul ayaa waxaa ay  kawada hadleen xaaladda guud ee dalku marayo, xallinta khilaafyada ku hor gudban arrimaha Doorashooyinka, iyo kaalinta dhexdhexaadnimo ee ay Dowladda Qadar ay ka qaadan karto sidii la isugu soo dhoweyn lahaa Dhinacda isku khilaafsan hannaanka doorashooyinka, si dalka ay uga dhacdo doorasho xor ah, xalaal ah oo la isla oggolyah.

Dr Mutlaq ayaa sidoo kale waxa uu kulan la yeeshay ra’iisulwasaare Maxame Xuseen Rooble iga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab sidoo kale labada Masuul ayaa kawada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii wadanka ay uga dhici la heyd doorsho xalaal ah oo laa wada simanyahy.

Dr Mutlaq ayaa lagu wadaa inuu waaca kulamo uu la qaato golaha Midowga Musharixiinta waxaana la filayaa inay kawada xaajoodaan arrimaha doorashooyinka la xariira.

Dr Mutlaq Al Qatxaani ayaa  shalay galinkii dambe soo gaaray Magaalada Muqdisho isaga oo horay ula soo kulmay madaxda Somalinad.

Goobjoog News