U bood dhigaalka

Maxaa Kasoo Baxay Shirka Caafimaadka Ee Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada?

Sheeko:Caafimaadka
Waxaa maanta lasoo gabagabeeyay shirkii 4-aad ee wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobalka Benaadir.
Shirka oo socdey muddo sadax maalmood ah ayaa waxaa looga doodey horumarinta adeegga Caafimaadka dalka Soomaaliya.
Dhanka kale intii uu socday shirku waxaa lagu lafa gurey sida ay u shaqeeyaan Wasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo sida ay u maamulaan Mashaariicda ay gacanta ku hayaan iyo caqabadaha ku hor gudboon ee laga rabo in xal rasmi ah ay u keento Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo baahiyaha loo baahan yahay in si deg deg ah looga jawaabo.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soonaaliya ayaa miiska soo saartey qorshayaasha barnaamijyada Caafimaadka ee la doonayo in dalka oo dhab ay ku gaadhaan Mashaariicda ay maamusho ee aan wali si rasmi ah uga fulin dalka sidii loo gaarsiin lahaa Maamul Gobobleedyada.
Mashaariicda kala ah Damal Caafimaad iyo Marwo Caafimaad oo ah Mashaariic ballaaran ayaa diiradda lagu saarey sidii looga faa’ideyn lahaa bulshada loogu tala galey ee qaar kood ay joogaqn deegaano aysan wali gaarin adeegyadii loo baahnaa in la gaarsiiyo.
Gunaanadkii shirka waxaa laga soo saarey bayaan ka kooban shan qodab (5) oo tixraac u ah heshiis yadii horey loogu gaarey shirarkii ka horeeyey shirkan ee ka kala dhacay Garowe-Puntland, Kismaayo-Jubbaland iyo Muqdisho-Gobolka Banaadir, waxaana hoosta laga xariiqey sii ambaqaadidda geediga loogu jiro xaqiijinta horumarka qeybta Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadan oo soo xirey shirka 4-aad ee wadatashiga Wasaaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa ku booriyey Madaxda Wasaaraddaha Caafimaadka Maamuladda dalka in ay isbadal dhab ah ka sameeyaan Wasaaraddaha ay mas’uulka ka yihiin iyo in la hormariyo Caafimaadka guud ee Dalka.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusey in lagama maarmaan ay tahay isla xisaabtan taabanaya xafiis kasta oo ay kasocoto howl Caafimaad oo loogu adeegayo Bulshada Soomaaliyeed ee u baahan in laga haqabtiro baahiya ay u qabaan adeegyada aas aasiga ah. Ii
Goobjoog News