U bood dhigaalka

Maxaa Kasoo Baxay Shirweynihii Guddiga Isboortiga Gobolka Banaadir Ee (Zone-Ka 5AAD)

Sheeko:Cayaaraha

Shir sanadeedka maamulka ciyaaraha gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay caasimada Muqdisho waxaana ka qeyb galay madaxda gobolka Banaadir,wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyaradda dowladda iyo guddoomiyaasha isboortiga degmooyinka Gobolka waxaan intii uu socday lagu soo bandhigay qorshayaashii qabsoomay 2018 iyo waxyaalaha la doonayo in la qabto sanada 2019.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti ayaa aad u bagaadisay maamulka ciyaaraha gobolka iyo kuwa degmooyinka wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysay,iyadoo ku dhiiri-gelisay labada dhinac in ay tartamo badan u qabtaan dhallinyarada ku nool degmooyinka Gobolka si loo hero tiro badan oo ciyaartooy ah kuwaas oo anfaca kooxaha iyo xulka qaranka.

Ibraahim Xuseen Roonbe oo ah la taliyaha wasiirka ciyaaraha dowladda ayaa sheegay in madaxda ciyaaraha gobolka iyo kuwa degmooyinka looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan in ay fursado badan u abuuraan dhallinyaradda caasimada oo aad u jecel nuucyada kala duwan ee isboortiga ayna u diriyaan goobo casri ah ay kusoo bandhigaan xirfadooda ciyaareed.

Guddoomiyaha isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa u mahad celiyay mas’uuliyeenta ciyaaraha degmooyinka,isagoo sheegay wax qabadkii sanadkii lasoo dhaafay ee lasoo bandhigay aysan qabsoomin laheyn la’aantooda iminkana aya si wadajir uga shaqeyndoonaan ajandayaasha cusub ee la doonayo in la qabto sanada 2019.

Guddoomiyaasha ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa shir sanadkeeda kusoo bandhigay shaqooyinkii muhiimkaa ahaa ee sanadkii lasoo dhaafay 2018 lasoo qabtay waxyaalihii la qaban waayay,iyagoo dhinaca kale soo bandhigay aragtiyo cusub oo ku aadan horomarka isboortiga Gobolka Banaadir.

Maamulka ciyaaraha gobolka Banaadir ayaa labadii sano lasoo dhaafay ku guulaystay in caasimada Muqdisho lagu ciyaaro fiinaalaha ciyaaraha degmooyinka,xili habeen waxayna sanadkan qorshaynayaan in dhallinyarada caasimada ay u soo bandigaan aragti ku kale oo ku cusub tartamada degmooyinka Gobolka Banaadir ee 2019.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Shirwayinhii Guddiga Ciyaaraha Gobolka Banaadir.

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/648196495641638/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle