U bood dhigaalka

Maxaa Keenay In ICJ Diido Doodda Soomaaliya oo Qaadato Midda Kenya?!

Sheeko:Amniga

Maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ ayaa dib u dhigtay mar kale dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ilaa June ee sanadka dambe.

Qoraal maanta kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in ay tixgelisay codsiga Kenya, dibna u dhageysan doonto June 8 -12, 2020.

Inkasta oo ICJ leedahay waa markii ugu dambeysay hadana ma aha dastuur qoran, oo waxaa ku filan in Kenya geyso marmarsiyo kale iyo codsi dib u dhigis ah.

Villa Somalia waa diidaneyd dib u dhigis labada jeer ee maxkmadda dib u dhigtay September ama Novemberta soo socotaba, laakin Kenya doodeeda ayaa adkaatay, taasi oo keentay in la dib dhigo.

Maxaa Keenay In Kenya Codsigeeda La Qaato?!

Goobjoog News waxaa ay ogaatey in dadka hor socda kiiska badda ee matala dhanka Soomaaliya ay liitaan qareenno ahaan iyo siyaasiyiintaba.

Qareennada: Qareennadan oo kala ah: Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet waxaa ay aad uga liitaan, kana khibrad yar yihiin kuwii dalkeenna matalayey kolkii hore, Villa Somalia mar aan weydiiney “Lacag ayaa loo waayey kuwii hore oo mushaarkooda ayaa badnaa” ayey jawaabteeda noqotay. Qareennadan cusub waa dad lagu raacay raqiis, waxayna ku guuldareysteen in ICJ tusaan sida Kenya aaney daacad uga aheyn dacwada ama ay u yastaba howlaha socda, haddii aan la badalinna waxaa ay khatar geli karaan kiiska oo dhan.

Siyaasadda: Kenya diblomaasiyad ahaan waa ka awood badan tahay Soomaaliya, Midowga Afrika ilaa xogheyaha Qaramada Midoobey waxay ku qanciyeen in Soomaaliya laga dhameeyo wada hadal, waxaa intaas dheer dadka arrintan lugta kula jiro oo dhammaantood khubaro ah halka Soomaaliya dhankeeda ay siyaasad ahaan hor socdaan Mahdi Khadar ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo Safiirkeenna Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi, ninka hore diblomaasiyad albaabkeeda ma gelin halka Fiqi uu jilicsan yahay.

Guud ahaan, Kiiska badda marka si qoto-dheer loo akhriyo waxaa ku adag Soomaaliya, laakin dadka matalaya oo liita awgeed waxaa shaki weyn ku jira sida ay wax noqon doonaan 6 bil kadib.

Goobjoog News