U bood dhigaalka

Maxaa Keenay In Lagu Kala tago Shirka Rooble iyo Midawga Musharixiinta?

Sheeko:Amniga

Waxaa fashil ku soo dhamaaday shir Muqdisho uga socday Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Midawga musharixiinta.

Shirkan oo ahaa midkii seddaxaad oo ah yeeshaan labada dhinac ayaa looga hadlayay arrimaha Doorashooyinka dalka.

Xukuumadda oo horay u qaadatay muucaradka ay kala qeyb qaadato banaanbax jiritaankeeda looga soo horjeedo , ayaa kulanka loogu gorfeynayay sidii shirarka arrimaha doorashooyinka uga mid noqon lahayen Mucaaradka.

Kadib saacado badan oo uu shirka socday ayey xukuumadda ka biya diiday dalabka musharixiinta kaas oo ugu danbeyn sababay in lagu kala tago shirka.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeyay in uu ka danbeyay fashilka .

Rooble ayaa dhankiisa sheegay in ah sameeyen tanaasulad balse Mucaaradka ay ku adkeysten in ay doqob kaas ka fuqin.

Waxa uuna xusay in haddii mucaaradka loo ogolaado ka qeyb galka shirka Arrimaha doorashooyinka uu meesha ka baxayo heshiiskii 17 September ee Muqdisho lagu gaaray sanadkii hore.

Dhanka kale Midawga Musharixiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa fashilka shirka ku eedeyay xukuumadda iyo Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in Farmaajo uu qaadanayo mas’uuliyadda fashilka shirka.

Rooble ayuu sidoo kale ku eedeyay in uusan qaadan karin go’aanno ka madax banaan Farmaajo.

” Qof awood dastuuri ah leh ee aan awooddiisa aqoon waaye Rooble, Farrimaha uu usoo dirayay Farmaajo ayaana shirka fashiliyay” ayuu warbaahinta u sheegay Abdirahman Abdishakuur Warsame.

Sikastaba fashilka shirkan ayaa waxa uu caqabad ku sii noqonaya Doorashooyinka dalka.