U bood dhigaalka

Maxaa Keenay In Maanta Uu Fashilmo Kulankii Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Waxaa Fashil ku soo dhamaaday Kulankii maanta ay yeesheen xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya .

 

Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka ayaa ku tilmaamay Fashilka kulanka in uu yimid kadib markii Ajendahii lagu balansanaa ay guddoonka Golaha Shacabka ay ka baxeen.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa xildhibaanadii maanta xaadiray kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay in guddonka golaha shacabka ay isku dayeen in ay muddo kordhin u sameeyaan Madaxweeynaha Waqtigiisa dhamaaday Farmaajo .

Mahad Salaad ayaa sheegay in xubna ka mid ah xildhibaanada uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal u sheegey in mudda kordhin loo sameynayo Hay’adaha dowladda .

Qoraal uu soo dhigay Mahad Salaad bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Guddoonka uu sheegay in uu fashilmay heshiiskii 17 September .

 

Gudi Xildhibaano ah oo u tagay Gudoomiye Mursal maanta intii uusan soo gelin hoolka shirarka Golaha Shacabka wuxuu u sheegay:
1. Heshiiskii 17 September in uu fashilmay!
2. Muddo kordhin inuu u samaynayo Barlamaanka iyo Farmaajo!
3. Ciidamada xarunta Golaha Shacabka la keenay in uu isagu dalbaday, lana soo badinayo.
Waxaa xaqiiqo ah in maanta cid waliba u cadahay meesha loo socdo. Hurdada halaga kaco ayaan idin leeyahay Farmaajo waa balaayo inoo hagoogane!” ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook-ga.
Dhabka kale Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in baarlamaanka ay maanta la wareegen ciidamo dhar cad ah .
“Baarlaamanka waxaan ugu nimid 200-oo Maleeshiyaad oo intooda badan ahaa kuwii Alshabaab kasoo goostay” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook.
Fashilkan ayaa yimid xilli madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Madaxda dowladda federaalka ay weli doorashooyinka isku fahmi la’yihiin.