U bood dhigaalka

Maxaa Keenay Kala Shakiga Farmaajo iyo Deeq-bixiyeyaasha?

Sheeko:Amniga

Maamulka madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay sida uu uga xun yahay faragelinta shisheeyaha ee arrimaha gudaha Soomaaliya.

Qoraal loo diray golaha ammaanka ayaa lagu yiri” Xukuumadda Soomaaliya waxa ay u aragtaa fargelin kasta oo dalal shisheeye, mid si toos ah loogu faragelinayo arrimaha gudaha dalka iyo ku tumasho qaraarada golaha ammaanka, heshiisyada iyo qawaaniinta dowliga ah”.

Arbacadii ayey markii dowladda federaalka ah ay sheegtay inuu fashilmay shirkii horudhaca ahaa ee Afisyooni uga socday dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyada oo eedda dusha ka saartay Puntland iyo Jubbaland.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in todobaadkii hore uu jiray kulan dhex maray beesha caalamka iyo xukuumadda federaalka ah kaasi uu hareeyey jawi is faham la’aan iyada oo xubno Soomaali ah ay beesha caalamka weydiiyeen kaalintooda halka deeq-bixiyeyaasha ay ku jawaabeen keliya in aanan mas’uuliyad ka saarneyn amniga hey’adaha dastuuriga ee ay sidoo kale mas’uuliyadoodu tahay in ilaaliyaan in aan dummin waxa dhisan, lana qabto cidda waxyeeleeneysa.

Waxaa muuqato in beesha caalamka ay ku daashay arrimaha doorashada Soomaaliya taasina ay keentay inuu xumaado xiriirka ay la leeyihiin Villa Somalia, taasina ay keentay in dowladda federaalka ah ay aaddo golaha ammaanka.

Qoraalka loo diray golaha ammaanka waxaa ku xusan in amniga doorashada lagu wareejin doono xukuumadda, tilaabadan oo hal dhinac ah oo aan lagala tashan maamul goboleedyada oo dood ka qabo sida loo maareynayo amniga doorashada.

Lama oga sababta maamulka Farmaajo uu u doonayo iney beesha caalamka faraha kala baxdo doorashada Soomaaliya iyada oo leh maalgelinta doorashada, sugidda amniga iyo bixinta qoondada miisaaniyadda dowladda 40%.

Goobjoog News