U bood dhigaalka

Maxaa Kusoo Kordhay Doorashada Kenya?

Sheeko:Dalka

Natiijada horudhaca ah ee doorashada Kenya ayaa tilmaamaysa in uu ku horreeyo madaxweynaha hadda talada haya Uhuro Kenyatta.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in degaannada qaar xildhibaannadii la siiyay warqadihii aqoonsiga xildhibaannimo.

Tirinta codadka ayaa lagu howlan yahay taasoo guddiga doorashadu sheegeen in la soo gebagebeyn doono.

Kenyatta ayaa u muuqda inuu weli ka horreeyo hoggaamiyaha mucaaradka Mr. Odinga marka la eego codadka la tiriyey doorashada Talaadadii ka dhacday Kenya.

Odinga ayaa qaadacay natiijada hordhaca ah ee doorashada Kenya, wuxuuna ku celceiyey in is dabamarin ay jirto.

Guddiga doorashada ayaa Arcabacadii shalay goor dambe war ay soo saareen waxay ku sheegeen in illaa iyo imin la tiriyey 96% codadkii la dhiibtay, waxaana ay tilmaameen in madaxweyne Kenyatta uu wato codad 55% halka Odingana 44% uu wato.

Goobjoog News