U bood dhigaalka

Maxaa Loo Hadal Hayaa Dhalinyaradaan Caanka Ka Ah TikTok-ga?

Sheeko:Amniga

Waxa ay dhalinyaradaan muddo sanada ah ka soo muuqanayeen baraha bulshada si gaar ah barta muuqaalada gaagaban lagu duubo ee TIK TOK, waxaana deegaan u ahaa magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradaan oo uu horboodayo Madaxweynaha TikTok Bilaal Bulshaawi ayaa looga bartay soo gudbinta muuqaalada gaagaban ee xaraabada iyo kaftan leh kuwaas oo ay ku soo caan baxeen xilliyadii dhexe.

Balse maalmihi la soo dhaafay oo ay aad u qabsadeen baraha bulshada ee Soomaalida, ayaa sababtay kadib markii ay muuqaaladoodii ay u weeciyeen dhanka howlaha bini aadanimada.

Bilaal Bulshaawi, Looseey, Guuxaye, Shafinho, Cali Khadaab iyo kuwa kale ayaa ka soo muuqday furimaha hore ee gurmadka loo sameynayo dadki ay saameeyen aabaaraha dalka.

Dhalinyaradaan oo si iskood ah isku xilqaamay ayaa tagay qeybo ka mid ah gobalka gedo halkaas oo ay gaarsiyeen markii hore deeq raashiin iyo biyo ah, iyadoo markii dambe muuqaallo ay baraha bulshada ay ku baahiyeen ku dalbaday in garab lagu siiyo gurmadka dadka ay keentay in dad badan ay garab istaagan dhalinyaradaan.

Muuqalada dareenka leh ee ay baraha bulshada ku baahiyeen ayaa sabab u noqday in gurmad baaxad leh ay dal iyo dibad qaar ka mid ah shacabka ka sameeyaan.

Goobjoog News