U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadalayaa Kulanka Golaha Ammaanka Ee Maanta?

Sheeko:Amniga

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay  ayaa maanta oo talaado ah kulan ka yeelanaya  xaaladda Soomaaliya  gaar ahaan abaarta iyo doorashooyinka.

Waxaa kulanka warbixinno looga dhageesan doonna ergayga  xoghayaha guud ee qaramada midoobay James Swan iyo Madaxa AMISOM Francisco Madeira.

Kulanka  ayaa lagu wadaa in uu bilaabmo 6 makhribnimo ee xilliga geeska afrika sida lagu sheegay  war kasoo baxay golaha ammaanka .

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta yeelanaya kulan looga hadlayo xaaladda Soomaaliya. Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaa warbixin ka siin doona kulanka Golaha Ammaanka, kaas oo si toos ah loo daawan doono 6-da maqribnimo xilliga Muqdisho” ayaa lagu yiri  war kasoo baxay golaha ammaanka qaramada midoobay.

Kulanka golaha ammaanka ayaa ku so aadaya xilli dhawaan Mareeykanka uu xayiraad dhanka socdaalka ah ku soo rogay qaar kamida hogaamiyayaasha Soomaaliya,   kuwaas oo uu ku tilmaamay  in ay wiiqayaan dimuquraadiyadda Soomaaliya .

 Goobjoog News