U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Kulaankii Qoor Qoor, Deni, Lafta-gareen iyo Abdirahman Abdishakur

Sheeko:Amniga

Kulan aan la shaacin ayaa xalay mid ka mid ah Hotelada magaalada muqdisho ku dhex maray madaxweeynahayaasha Galmudug, Puntland , Koonfur galbeed iyo siyaasi Abdirahman Abdishakur,

Illa xog ogaal ah ayaa Goobjoog News  u sheegay in kulanka oo casha ahaa looga hadlay siyaasadda dalka iyo shirarka socdo .

48 saac ee la soo dhaafay waxaa dalka ku soo laabtay mas’uuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee koonfur galbeed Sharif Xasan Sheikh Aden, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Raa’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin kale .

Goobjoog News