U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Kulanka Midawga Musharixiinta Iyo Golaha Wadatashiga Qaranka?

Sheeko:Amniga

Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Ra’iisul wasaaraha dalka, Madaxda dowlad gobaleedyada iyo Xubnaha midawga Musharixiinta.

Kulankan oo ahaa mid casho sharaf ah oo uu sameeyay madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Qoorqoor ayaa looga wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin Habraacyadii dhawaan ay soo saareen golaha wadatashiga Qaranka, kuwaas oo midawga musharixiinta ay ka soo horjeysteen.

Madaxda oo saacado badan is hor fadhisay ayaa aan la shaacin weli waxa ka soo baxay kulankooda, wararka qaar ayaa sheegay in sidoo kale saaka lagu wado xubnaha xalay kulmay qaar ka mid ah ay kulama yeeshaan.

Kulanka xalay ayaa sidoo kale la isku raacay in la joogteeyo kulama looga arin sanayo doorashooyinka si loo xaliyo dhamaan Tabashooyinka jira.

Goobjoog News