U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Kulanka Ra’iisulwasaare Rooble iyo Madaxweynahaa UAE

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaarah dalka Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan dalka isutagga imaaraadka carabta ayaa kulan la qaatay madaxweynaha UAE Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan.

Rooble ayaa madaxweynaha Imaaraadka iyo dowladdiisa kaga tacsiyadeeyay geerida ku timid madaxweynihii hore ee dalkaas Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Madaxweynaha Imaaraadka carabta ayaa dhankiisa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeey doorashada dalka ka dhacday ee uu ku guulaystay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan dalka Imaaraadk u fasaxay lacag dhan $9.6 milyan doolar oo horay xukuumadda Farmaajo ay uga xayirtay dowladda Imaaraadka Carabta.