U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Kulankii Dhexmaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) Iyo Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse iyo madax ka socotay labada dhinac ayaa kawada hadlay wada shaqeynta iyo u diyaar garowka tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Wasiir Xamse Saciid iyo madaxda kale ee Wasaarada ciyaaraha Soomaaliya ayaa Maamulka Gobolka Banaadir kala hadlay sidii loo soo celin lahaa garoomada ka maqan kooxaha kubbadda cagta ee dalka iyo sidii dhallinyarada Muqdisho ay u heli lahaayeen garoomo casri ay ku soo bandhigaan xirfadooda.

Daawo Afhayeenka Gobolka Oo Faah Faahiyay Wixii Ka Soo Baxay Kulanka

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle