U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Kulankii Golaha Wasiirrada?

Sheeko:Amniga

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, oo ah guddoomiyaha guddida heer Qaran ee fududeynta Ganacsiga Soomaaliya oo sidoo kalena ay Wasaaradda Ganacsigu iyo Warshadahu ka tahay hoggaan, ayaa shir guddoomiyey kulan loogga hadlaayey dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee lagu fududeynayo ganacsiga wadanka, waxaana kulamadii ugu horreeyey loogga hadlay xubinimada Soomaaliya ay kaga mid noqonayso Ururka Ganacsiga Adduunka.

Guddiga oo ay ku jiraan Wasiiro kala duwan iyo weli ba madax kale, ayaa la isku la gartay fududeynta dedaalada lagu doonaayo siddii ay Soomaaliya xubin uga noqon lahayd Ururka Ganacsiga Adduunka oo muhiimad weyn u leh dhaqaalaha Soomaaliya, sidoo kalena abuuraya nidaam sharciyadeed oo Soomaaliya u sahlaya inay kor-u-soo qaado dhaqaalaheeda, soo-jiidashada Maal-gashadeyaasha caalamiga ah,  fursadaha ganacsi oo kordha iyo weli ba shaqo abuur xooggan oo ay heli doonaan dhallinyarada Soomaaliyeed maadaama ay yihiin kuwa bulsho ahaan ugu badan wadanka.

Kulanka, waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay taageerayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya oo halkaas loogga ga mahad-celiyey kaalinta weyn ee ay ka qaateen siddii ay Soomaaliya uga mid noqon lahayd ururka Ganacsiga Adduunka.

Goobjoog News