U bood dhigaalka

Maxaa Looga hadlay kulankii maanta Muqdisho ku dhex maray James Swan & Bankole Adeoye?

Sheeko:Amniga

Ergayga gaarka ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Amniga iyo  nabadgelyada ee Midowga Afrika Bankole Adeoye.

Kulanka labada mas’uul ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan xaaladda kalaguurka ah, doorashoooyinka, aminga iyo xoojinta  iskaashiga ka dhaxeeya  howlgalka  Africa ee AMISOM iyo Qarammada Midoobay.

Guddoomiyaha arrimaha siyaasadda, amniga iyo nabadgalyada midowga Afrika ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la dardargeliyo doorashooyinka ee BJF oo dhowr iyo toban maalin ay naga xigto waxtigii loo asteeyey in lagu soo  dhameeyo.

Bankole Adeoye ayaa dhawaan isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayey waxaa uu soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, xili dhowaan la filaayo in magaalada ay ka dhacdo doorashada guddoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha.

Goobjoog News