U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo Jowhar Ka Dhacay?

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga, howlgalada Al-shabaab looga xoreeynayo deegaanada Hirshabeelle, gaar ahaan kuwa dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Shiraka ayaa waxaa sidoo kale lagu gorfeeyay maareynta fatahaadaha Wabiga Shabeelle, Warbixin Barnaamijka xasilinta iyo heerarka ay marayaan, Barnaamijka kasoo kabashada xasaradaha (SCRP), iyo Qorshe-yaasha Caafimaadka ee Hirshabeelle gaar ahaan Cusbitaalka Jowhar.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixyay amniga guud ee Hirshabeelle, Guulaha laga gaaray howlgalada Al-shabaab  iyo diyaar garowga loogu joro wajiga 2aad ee Howlagalada lagusaarayo  kooxda inta kaga sugan deegaannada maamulka Hirshabeelle.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay halka uu marayo Barnaamij-ka xasilinta oo laga fulinayo deegaanada la xoreeyay si bulshada u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda iyo dadku ugu baahi qabaan.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan shaqaaleysiinta Macalimiin isagoo xusay inay gabo-gabo marayso Imtixaanaadka lagu qaadanayo 400 boqol oo macalimiin ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona deegaannada Hirshabeelle.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Golaha la wadaagay xaalada Isbitaalka guud ee Jowhar. Madaxweynaha ayaa u Mahadceliyay Golaha isagoo faray inay dardargaliyaan shaqooyinka adag ee horyaala.

Goobjoog News