U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Jubbalanad?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda oo maanta ka qabsoomay xarunta madaxtooyada, kaas oo looga  hadlay qodobo kala duwan oo ay ugu waawaynaayeen amniga iyo xaaladda Abaaraha,  waxaana sidoo kalegoobjoog ahaa madaxweyne ku-xigeeka maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan.
Madaxweynaha ayaa ugu horayn golaha uga warbixiyey xaaladda ammaanka guud ee Jubbaland iyo howlgallada ay wadaan  ciidamadda ee lagu sugayo amniga deegaanada Jubbaland iyadoo Madaxweynahu uu ku amaanay Ciidaamada sida ay diyaarka ugu yihiin badbaadinta iyo ilaalinta shacabka xili maamulka ay ka socoto doorashada Baarlamaanka federalka.
Dhinaca kale Madaxweyne Axmed Madooobe wuxuu golaha warbixin ka siiyay doorashooyinka kasocda guud ahaan dalka iyo si gaar ah Jubbaland isagoo sheegay in ay socdaan dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii losoo dhameeystiri lahaa xubnaha xildhibaanada dhiman ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland oo wali aan lasoo dooran dhinaca Gedo.
Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland ayaa ka warbixiyey xaaladda abaaraha oo kasii daraysa iyo xiriirinta howlaha Gargaarka, waxaana uu hadalkiisa kusii daray in asbuucydan soo socda gurmad gaarsiin doonto qoysas gaaraya (97,000) sagaashan iyo todobo kun oo qoys oo isugu jira raashin , kuwaas oo abaartu saamaysay.
Ugu dambayn wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga Jubbaland ayaa dhinaciisa golaha oga warbixiyey Tababar ku saabsan dabagalka iyo qiimeynta mashaariicda oo la siiyay dhowr wasaaradood iyo hay’adaha kala shaqeeya xiriirinta hay’adaha caalamiga ah ee ku hawlan gurmadka abaaraha kuwaas oo kala ah.
1) Barnaamijka xakameynta fatahaadda webiga Jubba
2) Barnaamijka Biyooley iyo dhismaha xarunta kaluumeysiga ee Buurgaabo
3) Xogg ururinta awoodda dhaqaalaha ee qoyska oo ka billaabaneysa Jubaland bishan dhamaadkeeda.
Goobjoog News