U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland?

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlada Jubaland  Axmed Maxamed Islaam Madoobe  ayaa  shir gudoomiyay kulan ay yeesheen golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland, kaas oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah.
Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay safarkii dhawaan uu ku tagay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka oo uu kaga soo qeybgalay doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  iyo xaalada guud ee dalka.
Axmed Madoobe ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa madaxda dowlad goboleedyada ee ka qeyb gashay doorashadii madaxweynaha dalka oo 15-kii May labada gole ee Baarlamaanku uu ku doortay  Xasan Shiikh Maxamuud inuu hoggaamiyo Jamhuuriyadda.
Goobjoog News