U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland?

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleeedka  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan, kaas oo ka qabsoomay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah maamulka Jubbaland.
Ugu horayn waxaa kulanka looga hadlay xaalada amniga iyadoo wasaarada amniga ay ka warbixisay xaalada guud ee amniga iyo howlgaladii ugu danbeeyay ee ay sameeyeen hay’adaha amniga,
Wasaarada waxbarashada ayaa ka warbixisay dib u habayn lagu sameeyay qaar kamid ah xarumaha Wasaarada iyo dib u habaynta shaqada wasaarada oo soo socotay mudooyinkii lasoo dhaafay.
Wasaarada qorshayntana waxaa ay warbixin ka keentay mashariic hormarineed oo laga fulinayo qaar kamid ah deegaanada Jubaland kuwaas oo ay kamid yihiin dhismaha biyo xireeno wax badan ka taraya nolosha bulshada gaar ahaan dadka ku nool deegaanada ku teedsan wabiga Jubba.
Goobjoog News