U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Puntland?

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada maamulkaas, kaas oo todobaadkaan looga hadlay arrimo dhowr ah sida amniga guud ee Puntland iyo gurmadka Abaaraha taas oo saameysay dad iyo duunyo.

Kulanka golaha  ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray, dardargelinta Shaqada Kastamka Tuurdibi, Akhrinta wax ka bedelka xeerka iyo siyaasadda howlgabka Shaqaalaha Puntland iyo warbixinta Safarka xubno golaha wasiirada ku tageen gobolka Cayn.

Kulanka maanta ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli deegaanno badan oo kamid ah Puntland ay ka jirto abaar baahsan, taas oo dadka iyo duunyada saamaysay,  Roobka  xilliga Deyrta, ayaa xilligaan ka curtay qeybo kamid ah gobollada Woqooyi ee Somaliland.

Goobjoog News