U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Shirka Todobaadlaha ah Ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya?

Sheeko:Amniga
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada oo warbixinno la xiriira xaaladaha Amniga dalka looga dhagaystay Wasiirrada Difaaca iyo Amniga gudaha dalka.
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamca , ayaa shirka uga war bixiyay halka ay marayaan hawl-gallada ka socda gobollada dalka ay wadaan ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka. oo ay kula wareegeen deegaanno horey ugu sugnaayeen Al-shabaab.
Golaha Wasiirada ayaa mamnuucay in ciidanka xoogga dalka loo adeegsado wax ka baxsan waajibkooda dastuuuriga ah
Dhanka kale, Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta  ayaa ka warbixiyay xaaladda Abaaraha ee dalka iyo halka ay marayaan hawlaha gurmadka.
Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira Isgaarsiinta iyo caafimaadka dalka, waxaana sidoo kale aad looga hadlay halka ay marayaan howlgallada ciidanka iyo kuwa deegaanka ay kala soo horjeedaan Al-shabaab.
Goobjoog News